Category: News

S-FSRP 13

Wasiir Md. Ahmed Baashi oo maanta shir-gudoomiyay kulan xog-aruurin iyo wadatashi dadweyne

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Soomaaliya Md. Ahmed Mathobe Nunow ayaa shir-gudoomiyay maantay kulan la xiriira xog-aruurin iyo wadatashi dadweyne oo ku saabsan mashruuca xoojinta adkaysiga hanaanka wax soosaarka Cunada Soomaaliya ee looyaqaano ” Somalia- Food Systems Resilience Project ( S-FSRP)”
Mashruucaan oo ay garwadeen ka tahay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka DFS ayaa waxaa maal-galinaya Bankiga aduunka, Waxaana uu noqon doonaa mashruucii ugu baaxada waynaa ee ka shaqaynaya yaraynta hubaati la’aan Cuntada Soomaaliya.
 
Wasiir Axmed Baashi oo ka hadlay shirka ayaa ku booriyay howl-wadaneenada mashruuca dadaalkooda shaqo, Waxaana uu xusay ahmiyada ay Soomaaliya u leedahay waqtigaan xaqiijinta Qorshe Qaran oo la xiriira hiigsiga helitaanka sugnaan cunto iyo waxsoosaar mug wayn sanadka 2023-2024.

Read More
Klan wasaarada beeraha iyo golaha shacabka 5

Wasaarada beeraha iyo waraabka oo kulan la qaatay Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka Dowladda Soomaaliya Ahmed Mathobe Nunow oo uu wehliyo W/Dowlaha Wasaaradda Md. Asad C/risaaq Iyo Agaasimaha Guud ayaa maantay kulan la qaatay Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS.
Kulankaan oo uu shir guddoominayey guddoomiyaha guddiga Xil. Mukhtaar Maxamed Guuleed ayna kasoo qeybgaleen Xildhibaanada Xubnaha ka ah guddiga ayaa waxaa warbixin guud oo ku saabsan shaqada ay wasaaraddu u hayso Bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Beeraleyda ah ee ay sida gaarka ah umatasho la wadaageen xubnaha Guddiga.
Wasiir Axmed Baashi ayaa Xubnaha Guddiga uga mahadceliyay dadaalkooda shaqo iyo gudashada waajibaadkooda Guddi ahaan ee kor-joogteynta shaqada guud ee Wasaaradda.

Read More
Dakar SUMMET 5

Wasiirka wasaarda beeraha iyo waraabka Md. Ahmed Baashi oo ka qeyb galay “Dakar SOMMET 2: Feed Africa. Food Sovereignty and Resilience”

Dakar 2: Feed Africa. Food Sovereignty and Resilience.
Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Soomaaliya Md. Ahmed Mathobe Nunow oo magaca Soomaaliya matalaya ayaa si mug leh uga qayb-galay shirwaynaha Dakar 2 oo ay marti ku ahaayeen in ka badan 20 madaxda ugu sareysa Dowladaha Africa Ah, Deeq-bixiyaasha daneeya arrimaha waxsoosoosaarka Africa, bandhiga hormarinta Africa Iyo Dowladda Senegal ðŸ‡ļðŸ‡ģ Oo lahayd marti galinta shirka.
Wasiir Axmed Baashi oo khudbad ka jeediyay shirkaas ayaa yiri “Dowladda Soomaliya waxay mihiimada koowaad siinaysaa hormarinta koboca waxsoosaarka dalka, gaar ahaan dhanka isku filnaanta cuntada iyo waraabka, Waxaana diyaarinay qorshe dhammaystiran oo 5sano Ah, kaas oo xajiinaya in la xaqiijiyo sugnaan cunto oo rasmi Ah iyo in maalgalin loo helo waxsoosaarka dalka”

Read More